Weerar Askar Lagu dilay Oo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa barqanimadii maanta weerar ku qaaday isbaaro ciidamada DF u taalla meel u dhow degaanka Danow oo hoos taga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka naga soo gaaraya goobta dhacdada ayaa waxay sheegayaan in askartii DF ay noqdeen wax la dilo iyo wax carara.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta looga dilay 4 uu kamid yahay taliyihii aaggaas oo la oran jiray Canjal, waxaana laga soo furtay laba qori oo uu midi yahay Dabajeex.

Isbaaradan ayay ciidamada dowladdu iman jireen subixii habeenkiina waa ay ka hoyan jireen baqdin ay ka qabaan dagaal yahanada Al-Shabaab, waxayna ahayd meel ay aad uga cawdeen gaadiidleyda iyo dadka safarka ah.

Dorraad ayay ahayd markii ciidamada Xarakada Mujaahdiinta Al-Shabaab ay weerareen askar ka tirsan kuwa DF oo doonayay iney isbaaro dhigtaan duleedka Afgooye halkaasoo ay uga dileen 5, qaar kalena uga dhaawaceen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.