Xaftar Oo diiday Xabad joojin looga dhawaaqay Liibiya.

Xilli dhawaan wadanka Liibiya looga dhawaaqay xabad joojin dhexmarta xukuumadda Al-Wifaaq iyo malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar ayaa waxaa soo baxaya arimo burinaya xabad joojintaas, markalana hurin karta dagaallada halkaas ka socday.

Afhayeen u hadley malleeshiyaadka Xaftar ayaa xabad joojinta looga dhawaaqay Liibiya ku tilmaamay mida looga faa’ideysanayo xaga warbaahinta oo keliya, iyaguna dhankooda aaney joojin doonin dagaalka oo ay iska caabin doonaan isku day weliba oo lagu soo weeraro.

Axmad Al-mismaari oo ah afhayeenka ciidamada Xaftar ayaa shaaca ka qaaday iney ka war hayaan kulamo dhexmaray saraakiisha xukuumadda Al-Wifaaq, laguna go’aamiyay in lagu soo weeraro magaalooyinka Sirta, Aljafra iyo kuwa kale.

waa hadalkii ugu horeeyay ee kasoo yeera dhinaca xoogaga Khaliifa Xaftar, wixii ka dambeeyey maalintii Jimcaha oo dalka Liibiya si rasmi ah looga dhawaaqay xabad joojin dhameystiran, taas oo la filayay iney horseedo wax soo saarka xaga Naftada ee dalkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.