25 Qof Oo ku dhintay Diyaarad Milliteri Oo ku Burburtay Ukraine.

Wadanka Ukraine, diyaarad milliteri oo ay leeyihiin ciidamada wadankaas ayaa ku burburtay hawada sare ee wadankaas, daqiiqado un kadib markii ay ka duushey garoon diyaaradeed oo ku yaala wuqooyiga wadankaas.

Diyaaradda burburtay waxaa saarnaa ugu yaraan 25 ruux oo u badnaa ardey baraneysay duulinta diyaaradaha oo katirsan milliteriga wadankaas, waxaana lagu soo waramayaa in dhamaantood ay dhinteen.

Diyaaradda soo dhacday islamarkaana burburtay waxaa nooceeda lagu sheegay AN-26, waxaana ay ka duushey garoonka diyaaradaha ee deegaanka Khaarkiif oo dhaca wuqooyi bari wadanka Ukraine.

Xeer ilaaliyaha guud ee wadankaas ayaa shaaca ka qaaday iney billaabeen baaritaanno lagu ogaanayo waxyaabaha keeney burburka diyaaradda, iyadoo illaa iyo hadda aan la sheegin cillado soo wajahay diyaaradda markii ay duushey.

Goor sii horeysay, hay’adda qaabilsan maareynta arimaha deg dega ah ee wadanka Ukraine ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in diyaaradda ay saarnayaeen 28 ruux, ayna jiraan qaar kamid ah rakaabka oo aan nolol iyo geeri toona lagu heyn.

Madaxweynaha Ukraine Faladamir Zilinski ayaa sheegay inuu doonayo inuu booqdo halka ay ku burburtay diyaaradda oo aan sidaas uga fogeyn deegaanka Khaarkiif.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa caalamka kusoo badanayay burburka diyaaradaha milliteri iyo kuwa rakaabka intuba, waxaana la ogeyn sababaha rasmiga ah ee keena, walow shirkadaha diyaaradaha ay tilmaamaan oo keliya cillado ku yimaada diyaaradaha marka ay ku jiraan hawada sare.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.