Alshabaab oo xukun qisaas ah ku fulisay gacan ku dhiigle.(Maqal)

Maxkamada shareecada islaamka ee wilaayada hiiraan ayaa shalay fagaarre weyn oo kuyaalla degmada Ceel cali waxay ka fulisay xukun qisaas ah

Xukunkaan aya waxaa lagu fuliyay nin horay udilay nin kale oo ku sugnaa isla wilaayadaasi.

Xasan Aadan Cali oo 44 sanno jir ah ayaa lagu fuliyay xukunka qisaasta kaasi oo si kas ah udilay Xasan Cismaan Ibraahim sida uu ku dhawaaqay mid kamid qudaada xarakada shabaabul mujaahidiin.

Halkan ka dhagayso Codka Qaadiga.

Maxkamada ayaa walliyo damka ubandhigtay inay kala doortaan cafis, diyo, iyo qisaas, waxaana uu doortay qisaas.

Wilaayaadka islaamiga ah ayaa waxaa ka dhaca xukuno qisaas ah, waxayna taasi dhalisay in qofka Muslimka ah  si sharci darro ah aanan  lagu daadinin dhiigiisa sida ka dhacda goobaha ay ku suganyihiin shisheeyaha iyo maamulada ku daaban.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.