Baarlamaanka Dowladda Federaalka Oo Ansixiyay Heshiiska Doorashooyinka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda federaalka ayaa fadhi ay isugu yimaadeen waxay ku ansixiyeen heshiiska Doorashooyinka soo socda, oo ay dhawaan wada gaareen Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Fadhi wadajir ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho labada aqal ee baarlamaanka Dowladda federaalka ayaa lagu meel mariyay heshiiska, waxaana ogolaaday 252 xillibaan, halka ay diideen 2 kale, iyadoo uu ka aamusay xillibaan kale.

Ansixinta heshiiskan ayaa uga dhigan Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iney soo dhisaan guddiga doorashooyinka ee labada dhinac, si ay u dhacdo doorasho madaxtinimo oo afartii sanaba ay mar qabato Dowladda federaalka.

Siyaasiyiin badan ayaa aad uga horyimid tallaabooyin ay Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Maxa’ed Farmaajo ku dooneysay muda kororsi, waxaana qaarkood ay ku hanjabeen haddii ay sidaas dhacdo in qori ay wax ku dhacsan doonaan.

Shisheeyaha taageera Dowladda federaalka oo uu ugu horeeyo Maraykanka ayaa cadaadis ku saaray hogaanka Dowladda federaalka iney suurageliyaan doorashooyin madaxtinimo oo ay raalli ka wada yihiin maamul goboleedyada, si looga fogaado qal qal siyaasadeed.

Horay waxaa ka qeybgalka doorashooyinkan uga digay culimada Diinta Islaamka ee wilaayaadka islaamiga, kuwaas oo ku tilmaamay doorashooyinkaas kuwa xaaraan ah oo ka hor imaanaya Diiinta Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.