Banaanbaxyo Xoogan oo ka soconaya wadanka Masar.

Dalka Masar waxaa ka socda banaanbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dadka shacabka ah, kuwaas oo kasoo horjeedo maamulka uu hogaamiyo Cabdi Fataax As-Siisi oo afgembi kula wareegay talada Masar.

Banaanbaxyada ugu xoogan waxay ka dhacayaan gobollo dhaca koonfurta wadanka Masar, waxaana dadka dhigaya lagu tilmaamay iney yihiin dad aad u badan, marka loo eego dibadbaxyadii goos gooska ahaa ee sanadihii ugu dambeeyay ka dhacayay wadankaas.

Magaalada Banii Mizaar ee gobolka Al-Miina ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee ay ka soconayaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda uu hogaamiyo Siisi, waxaana maalintii shalay magaalada isugu soo baxay boqollaal ruux.

Dadka ayaa ruxayay boorar ay ku xardhanyihiin halkudhigyo ka dhan ah Siisi, waxaana kamid ahaa Siisi waa cadow iyo Khaa’in.

Ciidamada Ammaanka Masaarida ayaa ku dadaalaya iney si adag uga hortagaan dibad baxyada, waxaana illaa iyo hadda lasoo warinayaa dhimashada 3 ruux oo shacab ah iyo dhaawaca 8 qof.

Halkan ka dhagayso warbixin ku aadan Dibadbaxyada ka socda wadanka Masar

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.