Beeraleyda Gobolka Bari Oo ka Cabanaya Ayax Baaba’iyay Dalagga.

Gobolka Bari oo kamid ah gobollada uu ka arrimiyo maamulka Puntland ayaa beeraleyda ku nool waxay ka cabanayaan dhibaatooyin ba’an oo ay kala kulmayaan Ayax tiro badan oo baaba’inaya wax soo saarkii beeraha.

Beeraleyda ku nool degmada Isku-shuban iyo deegaanka Dhoror oo katirsan gobolka Bari ayaa sheegay iney ka daaleen tacabkii beeraha, sababo ku aadan Ayaxa oo diirtay wax soo saarkii beeraha.

Ayaxa oo tiro badan ayaa markiiba ku degaya beeraha, waxaana adag in la iska caabiyo, maadaama aaney jirin diyaar garow hore iyo farabadnida Ayaxa.

Odayaal kasoo jeeda gobolka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in culeeska ug ubadan ee hadda jira uu yahay khilaaf soo kala dhexgalay shaqaalihii beeraha iyo milkiiliyaasha, maadaama shaqaaluhu rabaan qarashaadkii ay ku shaqeeyeen, halka milkiiliyaashuna aaney waxba fara ku heyn.

Ayaxa ayaa ah musiibo rabbaani ah, waxaana culimada muslimiinta ay soo jeediyeen in Allaah loo towbad keeno, lana waydiisto inuu ka dul qaado dhibaatooyinkan, iyadoo dhinac kale lala imaanayo asbaabaha maaddiga ah.

Halkan ka dhagayso Beeraleyda gobolka Bari Oo ka cabanaya Ayax

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.