Boqorka Kuweyt Sabaax Al-Axmadi Oo Geeriyooday.

Boqortooyada wadanka Kuweyt ayaa ku dhawaaqday inuu geeriyooday boqorkii wadankaas Sabaax Al-Axmadi oo sanadihii ugu dambeeyay xanuunsanaa.

Sabaax Al-Axmadi ayaa ku geeriyooday wadanka Maraykanka, isagoo jria 91 sano, waxaana uu halkaas u joogay howlo caafimaad, maadaama sanadihii u dambeeyay uu xanuuno la daala dhacayay.

Waa madaxweynihii 15aad ee wadanka Al-Kuweyt, iyo kii 5aad marka loo eego tan iyo intii wadanka Al-Kuweyt uu xurriyada ka qaatay gumeystihii Ingiriiska.

Telefeshinka rasmiga ah ee dowladda Al-Kuweyt ayaa baahiyay khabarka la xiriira geerida boqorka Al-Kuweyt, isagoo soo xiganaya madaxtooyada wadanka Al-Kuweyt.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.