Ciidamada Alshabaab oo sarkaal ku dilay Baladxaawo.

Wararka naga soo gaaraya degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in rag hubaysan oo katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ay degmadaasi ku dileen sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda.

Sarkaal la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Diiriye Barre Ubow.

wararku waxay intaa ku darayaan in raggga hubaysan ay usuura gashay inay ka baxsadaan barta ay ku dileen iyagoo horay usii qaatay Qori iyo boosh uu watay Sarkaalka.

Ciidamada Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa marar badan Baladxaawo ka fuliyay weeraro toos ah iyo dilal qorshaysan oo ka dhan ah maamulka iyo ciidamada dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.