Ciidamada Masaarida Oo Dilay Kalluumeysato Filastiiniyiin ah.

Kadib baaritaanno socday dhowr maalmood oo xiriir ah, raadkoodana la la’sanaa, waxaa maalintii shalay la heley meydadka labo ruux oo Filastiiniyiin ah oo ka kalluumeysanayay xeebaha Jidda Qazza, kuwaas oo ay rasaas huwiyeen ciidamada ilaalada badaha ee dowladda Masar.

Labada nin ee meydadkooda la helay ayaa ahaa dhalinyaro Filastiiniyiin ah oo wada dhashey, waxaana lagu kala magacaabaa Maxmuud Maxa’ed Az-Zaczuuc iyo Xasan Maxa’ed Az-Zaczuuc, iyagoo ku jira howl maalmeedkooda caadiga ah ayaana waxaa toogtay ciidamada Masaarida.

Waxaa jira wiil saddexaad oo la dhashey labada nin ee ay ciidamada Masaaridu dileen, kaas oo isagoo dhaawac ah gacanta ku dhigeen ciidamada ka amar qaata Cabdil Fataax As-siisi oo talada wadanka Masar kula wareegay Afgembi milliteri.

Shakhsiyaad Filastiiniyiin ah oo ka hadla arimaha xuquuqda Insaanka ayaa cambaareeyey tallaabada xadgudubka ay ku tilmaameen ee ay ciidamada Masaarida ku khaarijiyeen dadkan shacabka ah ee ka jillbaanayay xeebaha wadankooda.

Dadka ka hadlay dhacdadan waxaa kamid ah Siyaasi Filastiini ah oo lagu magacaabo Raaji As-Suuraani, wuxuuna dowladda Masar ugu baaqay iney wax ka bedesho xeerarka milliteri ee ay kula dhaqmeyso dadka Filastiiniyiinta ah ee ka xoogsada kalluumeysiga.

Jiidda Qazza waxaa saaran go’doon dhan weliba ah, oo ay kusoo rogeen Yahuudda iyo dowladaha carbeed ee ku geedaaman dhulka Filastiin, nidaamka ka jira wadanka Masar ayaana lagu tilmaamaa inuu yahay kan ugu xun marka laga hadlayo go’doonka ay ku jiraan Muslimiinta Filastiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.