Ciidamada Shisheeye Oo Dad Shacab ah ku Dilay Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Shisheeyaha Uganda ayaa si ula kac ah waxay rasaas ugu fureen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ku nool deegaan hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Askarta Shisheeye ayaa rasaas ay fureen waxaa ku dhintay hal qof oo shacab ah, halka mid kalena uu ku dhaawacmey, waxaana rasaasta ay ku fureen dadweyne shacab ah oo ku dhaqan deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Mareerey ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Shisheeyaha ay ka careysnaayeen qarax xoogan oo lagula eegtay meel u dhow deegaanka, kaas oo la rumeysanyahay inuu kasoo gaaray khasaare kala duwan.

Inta badan ciidamada Shisheeyaha marka ay weeraro khasaare dhaliyay kala kulmaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay ka aargoostaan dadka shacabka ah, taas oo muujineysay inaaney u kala soocneyn shacabka iyo dagaalyahannada Mujaahidiinta.

Tacaddiyaadka ay ciidamada Shisheeyaha ka geysanayaan Soomaaliya ayaa ah kuwa aan lasoo koobi karin, waxaana Aqoonyahannadu tilmaamayaan iney muhiim tahay in la diiwaangeliyo si beritto loogula xisaabtamo Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.