Shisheeyaha Oo Gobollada Shabeellooyinka Kula kulmey Weeraro Khasaare Dhaliyay.

Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe waxay kula kulmeen weeraro khasaare dhaliyay oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qarax xoogan oo ka dhacay deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa Burundi oo xilligaas lugeynayay.

Warar lagu kalsoonaan karo waxay xaqiijinayaan in qaraxaas lagu dilay hal askari oo Burundeys ah, waxaana macquul ah in khasaaruhu intaas ka badanyahay.

Qaraxa kadib, ciidamo katirsan Shisheeyaha ayaa kasoo dhaqaaqay saldhiga ay ku leeyihiin deegaanka Buurane, kuwaas oo isku geedaamay halka uu qaraxu ka dhacay, si aan loo arkin waxyeellada gaartay.

Dhinac kale, milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada Shisheeyaha Uganda ee saldhiga ku leh deegaanka Ambareeso ee duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka waxa uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hub kala duwan, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray ciidamada Shisheeyaha.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka wada dagaal ka dhan ah ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka soo qaaday, taasina waxay keentay in bulshada Soomaaliyeed ay u tixgeliyaan iney yihiin dagaalyahanno gumeysi diid ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.