Dab Khasaare Geystay Oo Ka Kacay Magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa ka kacay dab xoogan oo dhaliyay khasaare kala duwan, kaas oo qabsaday xarumo ganacsi oo muhiim ah.

Dabka ayaa ka kacay bartamaha magaalada, gaar ahaan xarumo ganacsi oo qaarkood lagu iibiyo shidaalka, taasoo dhalisay in dabka uu faafo.

Ganacsatada iyo bulshada magaalada oo is kaashanaya ayaa dadaal iyo juhdi dheer kadib waxay ku guuleysteen iney dabka damiyaan, walow ay jiraan khasaare kala duwan oo uu geystay.

Xilliyada dabeyluhu jiraan waxaa badanaa kaca dab saameyn ku yeesha ganacsiga iyo guryaha, waxaana Aqoonyahannada arimaha deegaanka soo jeedinayaan in laga fogaado wax weliba oo dab dhalin kara sida korontada, iyo dabka caadiga ahba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.