Dhagayso: Aabaha Dhalay Gabadhii lagu kufsaday Muqdisho Oo la hadlay Warbaahinta.

Idaacada islaamiga ee Al-Furqaan ayaa waraysi la yeelatay qaar kamid ah waalidiinta gabadhii dhawaan inta lagu kufsaday Muqdisho, kadibna dabaqa laga soo tuurey, sidaasna ku dhimatay, waxayna bixiyeen  xogo horleh oo ku aadan dhacdadaas foosha xumeyd.

Xasan Caraale Culusow oo ah abtiga Xamdi Maxamad Faarax, ahna ninka soo korsaday gabadhan ayaa shaaca ka qaaday in gabadhooda lagu shirqooley hotelka, iyadoo loo sheegay in shaqo laga siinayo.

Wuxuu sidoo kale Abtigu sheegay in meel kastoo ay la gaartaba aaney ka hari doonin dadkii dhagarqabayaasha ahaa ee inta kufsaday Xamdi, hadana dabaqa kasoo tuurey, sidaasna ku geeriyootay.

Sidoo kale Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay wareystay Aabaha dhalay Xamdi oo lagu magacaabo Maxa’ed Faarax, kaas oo hadda ku sugan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Aabaha oo ah markii ugu horeysay oo uu warbaahinta kala hadlo qadiyadda Xamdi ayaa sheegay in rag masuuliyiin ah oo katirsan Dowladda federaalka ay dadaal ku bixinayaan sidii loo duug duugi lahaa dhacdadan naxdinta leh.

Wuxuu sheegay inuu ku qancayo in gacantiisa uu ku disho dadkii kufsiga iyo dilka isugu daray gabadhiisa, waxaana xusid mudan in Abtiga iyo Aabuhuba ay sheegeen inaaney ku qanceyn waxaan ka ahayn Shareecada Islaamka.

Dhagayso Waraysigan dhinacyo badan taabanaya oo Al-Furqaan la yeelatay Aabaha dhalay Xamdi iyo Abtigeed.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.