Dhagaystayaasha Al-Furqaan Oo ka hadlay Kufsiga Kusoo Kordhaya Soomaaliya.

Dhagaystayaal ku dhaqan dalka iyo dibadiisa, islamarkaana lasoo xiriiray idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa waxay shucuurtooda ka muujiyeen falalka kufsiga anshax darrada ah ee mudooyinkii u dambeeyay kusoo badanayay wadanka Soomaaliya.

Dhagaystayaasha ayaa sheegay in falalkan kufsiga ah ay gadaal ka riixayaan dad Shisheeye ah, laguna doonayo in lagu fasahaadiyo dhaqanka wanaagsan ee ay leedahay Umadda Soomaaliyeed.

Waxay ku baaqeen in si wadajir ah looga soo horjeesto, dadka falalkaas ku kacayana lagu qabto gacan bir ah.

Wuxuu hadalkood kusoo aadaya xilli ciidamo katirsan Dowladda federaalka degmada Afgooye ku kufsadeen labo haween ah oo midi 85 sano jir ahayd, arinkaas oo noqday mid aad looga naxay.

Halkan ka dhagayso Dhagaystayaasha Al-Furqaan oo ka hadlay Kufsiga kusoo badnaya Dalka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.