Duqeymo Lagu Garaacay Saldhig Ciidan oo ku yaala dhulka NFD.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic xoogan waxay ku garaaceen saldhig dhulka NFD ay ku leeyihiin ciidamo katirsan Dowladda Kenya.

Saldhiga la duqeeyay wuxuu ku yaalaa deegaanka 50 ee dhulka NFD, waxaana xerada la duqeeyay ciidamada Kenya ku tababaraan askar Soomaali ah.

Duqeynta waxay ahayd mid aad u xoogan, oo in muda ah socotay, waxayna Mujaahidiinta  madaafiicda si toos ah ula heleen hadafka.

Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la rumeysanyahay iney ka dhasheen duqeyntan, walow aan la helin faafaahin rasmi ah.

NFD waa dhul ay Soomaalidu leeyihiin oo ay xoog ku heysato dowladda Kenya, waxaana horey u siiyay isticmaarkii Ingiriiska, hadana waxaa ka howlgala guutooyin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.