Fuliyihii Weerarkii Charlio Hebdo Oo ka hadlay Waxa ku Riixay Weerarkaas.

Wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa baahisay xogo dheeri ah oo ku aadan fuliyihii weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay xaruntii hore ee wargeyska Charlio Hebdo ee magaalada Paaris, kaas oo dhawaan aflgaadeeyay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Wakaaladda oo soo xiganeysa baariyaal katirsan dowladda Faransiiska oo wareystay fuliyaha weerarkaas ayaa shaaca ka qaaday in ninka fuliyay weerarka uu yahay 18 jir u dhashey wadanka muslimka ah ee Pakistaan, saddex sano ka horna uu soo galay wadanka Faransiiska.

Magaciisa ayay baariyaashu kusoo koobeen Cali, wuxuuna si cad oo aan ka leex leexad lahayn u sheegay in weerarkan uu u fuliyay isagoo u aargudaya Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, oo uu dhawaan markale wargeyska Charlio Hebdo meel kaga dhacay sharafkiisa iyo cirdigiisa.

Ugu yaraan afar ruux oo ka shaqeynayay wargeys boor qaris u ah Charlio Hebdo oo hadda ku shaqeeya xaruntii hore ee wargeyska Charlio Hebdo ayaa ku dhaawcmey weerarka mindida loo adeegsaday, waxaana dhaawacyada labo kamid ah ay xaaladooda tahay mid aad u liidata.

Wasiirka arimaha gudaha ee dowladda Faransiisk ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in weerarkan uu yahay waxa uu ku tilmaamay ” weerar argagaxiso Islaami ah” uuna ka dhiganyahay weerar dhiig badan uu ku daatay, marka loo eego jawaabta soo deg degtay ee ay Muslimiintu ka bixiyeen aflgaadadii uu geystay wargeyska Charlio Hebdo.

Wargeyskan ayaa hadda wuxuu ku shaqeeyaa goob aan la ogeyn, sababo ku aadan cabsi uu ka qabo inuu la kulmo weerar culus, waxaana si aad ah loo ilaaliyaa amaanka madaxda iyo shaqaalaha wargeyska, kuwaas oo aan xitaa ku socdaali karin magaalada, iskaba daaye iney guryahooda ku hooydaane.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.