Haween Daaciyaad Ah Oo Ka Qalin Jabiyay Machad Ku Yaalla Shabeellaha Hoose. (Sawirro+Dhageyso)


Dhawaan deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay munaasabad aad u ballaaran oo lagu maamusayay dufcadda koowaad ardey gabdho ah oo ka qalin jebiyay machadka Khadiija binti Khuweylad faraciisa wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose.

Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin sar sare oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Odayaal dhaqan iyo Culimada diinta Islaamka, waxaana xafladda loo qabtay 10 gabdhood oo ka qelin jebiyay machadka Diyaarinta haween ducaad ah ee Khadiija binti Khuweylad.

Shahaadooyin sare ayaa la gudoonsiiyay ardeyda qalin jebisay, waxaana saddexda kaalmood ee hore la siiyay dahab, Labtobyo iyo lacago, halka todobada soo hareyna la gudoonsiiyay min shahaado iyo 100 doollar.

Halkan ka dhagayso Warbixin- Dufcadda koowaad ee machadka Khadiija binti Khuweylad-Kuunya Barrow


You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.