Howlgallo Khasaare Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Kenya Oo ka Dhacay NFD.

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya ayaa ku waramaya in howlgallo khasaare kala duwan geystay halkaas lagula beegsaday ciidamada milliteriga dowladda Kenya.

Qarax ayaa gaari nooca Kooyalka ah waxaa lagula eegtay meel u dhow deegaanka Konton ee hoostaga Qorof Xaraar oo katirsan gobolka Wajeer ee dhulka NFD.

Qaraxa wuxuu si adag u haleeley gaariga, taasoo dhalisay in waxyeello kala duwan ay ka dhalato, iyadoo uu burbur xoogan gaaray gaariga la beegsaday.

Sidoo kale, ciidamada Shiishyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah oo toogasho ah waxay ka geysteen gudaha saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Konton.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa toog ku dilay askari kamid ah ciidamada milliteriga dowladda Kenya, kaas oo ku dhex socday gudaha xerada.

Weeraradan waxay kusoo aadayaan iyadoo dhawaan qarax xoogan dhulka NFD lagula eegtay ciidamo katirsan milliteriga Dowladda Kenya, kuwaas oo dhibaatooyin iyo tacadiyaad ka geystay qeybo kamid ah gobolka Gedo oo xuduud la leh dhulka NFD.

Halkan ka dhagayso faafaahinta Howlgallada ka dhacay NFD

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.