Inkabadan 70 Askari Oo lagu dilay Weerar Nafhurnimo Oo ka dhacay Afqaanistaan.

waa Istish-haadi kamid ah raga fuliyay mid kamid ah howlgalladan.

Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in weerar nafhurnimo oo dhaliyay khasaare xoogan lala eegtay ciidamada xukuumadda Kaabul ee ku sugan wadankaas.

Naftii hure katirsan Imaarada islaamiga oo kaxeynaya gaari miineysan ayaa weeraray saldhig ay ciidamada xukuumadda Kaabul ku leeyihiin gobolka Baktiika ee bariga wadanka Afqaanistaan.

Istish-haadiga ayaa gudaha u galay xarunta uu beegsanayay, taasi oo dhalisay khasaare lixaad leh oo gaaray ciidamada xukuumadda Kaabul.

Inkabadan 74 askari oo katirsan ciidamada Xukuumadda Kaabul ayaa ku dhintay camaliyadda, halka tiro intaas ka badanna ay dhaawacyo ku noqdeen, waxaana intaas dheer burburka gawaari gaashaman oo yaalay xerada la weeraray.

Camaliyadda Nafhurnimad ah kadib waxaa u daatay saldhiga ciidamo katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaas, kuwaas oo goobta ka galay dagaal adag.

Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxay si buuxda u sheegatay masuuliyadda weerarkan khasaarah ba’an gaarsiiyay ciidamada xukuumadda Kaabul, kaas oo ku daba feylaya howlgallada Al-Fatxi ee ka soconaya wadanka Afqaanistaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.