Kenyaatiga Oo lagu Weeraray Kulbiyow iyo Hosingow.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro ballaaran oo xoogan ku qaadeen ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ee ku sugan deegaannadda Kulbiyow iyo Hosingow.

Weerarada ayaa ahaa kuwa xoogan, oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda culus, waxaana dagaalku socday in muda ah.

ila wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in weerarada lagu qaaday Kulbiyow iyo Hosingow ay isku beegnaayeen, islamarkaana Mujaahidiintu qaadeen habeenkii xalay.

Dagaalka ugu adag wuxuu dhacay markii ciidamo Kenyaati ah isku dayeen iney dabagal ku sameeyaan ciidamada Mujaahidiinta ee weerarka soo qaaday, waxaana markaas ay la kulmeen weerar dhabagal ah oo ka xoogan dagaalkii hore.

Waxaan la haynin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland, hase ahaate waxaa la xaqiijinayaa inay jirto waxyeello kala duwan oo gaartay Shisheeyaha.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.