Kooxo hubeysan oo Macallimiin Dugsi Qur’aan ku dilay Shabeellaha Dhexe.

Qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay fal naxdin badan, kaas ah in si bareer ah loo dilay macallimiin Dugsi Qur’aan.

Falkan dilka ah ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Boos Muluq oo hoostaga degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna kooxdan hubeysan dileen ugu yaraan lix macallin.

Macallimiinta ayaa xilliga la  beegsanayay waxay ku jireen Subac, waxaana mar qura u yimid kooxo hubeysan oo rasaas ku dhoobay macallimiinta.

Durbadiiba waxaa goobta ku geeriyooday shan macallim, halka mid kale oo uu dhaawac adag soo gaareyna uu dib ka geeriyooday.

Tallaabadan waxay dadka deegaanka ku tilmaameen iney daba socoto dagaal beeleedyo ay hurinayaan xubno katirsan maamulka Hir Shabeelle oo fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.