Muddulood Oo Suldaan Ku Caleema Saartay Jubbooyinka. (Sawirro)
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka, taas oo lagu caleema saarayay suldaan ay yeelato beesha Muddulood qeybtooda degta gobollada Jubbooyinka.
Waxaa xafladda kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada kasoo jeeda beesha, waxgarad iyo Nabadoono Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudantahay in dadka kasoo qeybgalay xafladda ay isaga kala yimaadeen gobollada Soomaaliya.
Suldaan Sheekh Cabdi- Fataax Xasan Maxamed ayaa loo doortay Suldaanka beesha Muddulood ee Jubbooyinka, isagoona ballan qaaday in beesha uu ku hogaamin doono ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Halkan ka dhagayso Warbixin Caleema saarka Suldaanka Mudullood ee Jubbooyinka
Mshallah