Roobab Ka Curtay Gobolka Sool Xilli Biyo La’aan Baahsan Jirtay.

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ee wuqooyiga Soomaaliya ayaa ku waramaya in halkaas ay ka curteen roobabka Dayrta, xilli ay dadku baahi daran u qabeen roobka.

Deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolkaas ayaa laga soo sheegayaa in daruurta roobka ay ka curatay, islamarkaana la dareemayo jawi qabow oo astaan u ah in nimcada Alle ee Roobka ay billaabatay.

Koonfurta iyo galbeedka magaalada Laascaanood ayaa ah meelaha ay roobabku ka da’een, waxaana walow aaney ahayn kuwa xoogan hadana ay dadku soo warinayaan iney yihiin billow fiican.

Biyo la’aan baahsan ayaa ka jirtay gobolka Sool iyo qeybo kamid ah gobollada dhaca wuqooyiga Soomaaliya, waxaana dadku ay u baahi qabaan nimcada Allah ee roobka.

Biyihii ku jiray barakaadaha ay dadku ku keydsadaan biyaha ayaa gabaabsi sii ah, iyadoo meelaha qaar ay dhamaadeen, waana arinta keentay in dadka ku nool Sool ay aad ugu farxaan jawiga roob ee ay galeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.