Shacabka Ku Nool Gedo Oo ka horyimid Tacadiyaadka Dowladda Kenya.

Magaalooyin kamid ah gobolka Gedo waxaa ka dhacay banaanbaxyo ballaaran oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo muujinaya sida ay ugu dhib qabaan tacaddiyaadka ay ciidamada Keya ka geysanayaan qeybo kamid ah gobolkaas.

Shacabka ku nool magaalooyinka Balad Xaawo, Doolow, Baardheere iyo Ceel-Waq oo dhamaantooda ka tirsan gobolka Gedo ayaa dhigay banaanbaxyo ballaaran oo ay ku muujiyeen shucuurtooda ku aadan sida ay uga xunyihiin tacaddiyaad ay dhawaan ciidamada Kenya ka geysteen deegaanno hoostaga Ceel-Waaq.

Waxay sheegeen dadka banaanbaxyada dhigay iney kasoo horjeedaan ciidamada Kenyaatiga iyo maamullada ay iyagu gadaal ka riixayaan ee ka jira gobolka, iyagoona sheegay inuu Allaah masuul ka yahay kadibna dhalinyaradooda.

Haddii aaney joogsan tacaddiyaadka ay wadaan ciidamada Kenya waxay dadka banaanbaxyada dhigay ku hanjabeen iney is difaaci doonaan, maamullada ka jira gobolka ee kala taabacsan Dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland-na ay ugu tagi doonaan halka ay joogaan, madaxtooyadaba ha ahaate.

Waxay kusoo aadeen dibadbaxyadan ka dhacay magaalooyinka gobolka Gedo, xilli dhawaan deegaan hoos yimaada degmada Ceel-Waaq ay ciidamada Kenya ku dileen dad shacab ah, halka ay qafaasheen kuwa kale, oo illaa iyo hadda aan la ogeyn waxay ku dambeyso xaaladooda.

Halkan ka dhagayso Shacabka Ku nool Gedo Oo ka hor yimid Kenya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.