Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo Ka cabanaya Shirkadda Favori.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbax ay dhigeen shaqaalaha fara ku tiriska ah ee Soomaalida, kuwaas oo ka cabanaya shirkadda gacanta ku heysa garoonka oo ay leedahay dowladda Turkiga.

Waxay ka cabanayaan shaqaalahan in laga xigsado shaqada, islamarkaana aan la siin mushaaraadkooda, iyagoo sidoo kale si joogta ah ula kulma dhega hadal iyo cunsuriyad uga imaaneysa maamulka shirakdda Favori oo ah shirkad ay leedahay dowladda Turkiga.

Banaanbaxa ay dhigeen shaqaalahan Soomaalida ah ayay ku sheegeen iney dareemayaan inaaney u dhalan wadanka, loolana tacaamulo sida iney ajaaniib yihiin oo kale, iyagoona sheegay inaaney marnaba ogolaan doonin arinkaas.

Horay waxaa marar badan warbaahinta kasoo muuqday dhalinyaro Soomaali ah oo ka cabanaya shirkadda Favori oo gacanta ku heysa maamulka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyagoona codsaday in cabashadooda wax laga qabto.

Dowladda Turkiga ayaa gacanta ku heysa ilo dhaqaale oo muhiim ah oo ay leedahay umadda Soomaaliyeed, waxaana Aqoonyahannada ay tilmaamayaan in Turkigu uu qaadanayo dowr gumeysi oo baaxad leh, uuna yahay wakiilka Reer galbeedka, marka laga hadlayo hagar daameynta shucuubta Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida.

Halkan ka dhagayso Cabashada Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.