Shisheeyaha Oo lagu weeraray Baraawe iyo Hosingow.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday weeraro xoogan oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha Uganda iyo kuwa Kenya ee kamid ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Askarta Uganda ee heysta Baraawe ayaa xalay la kulmey weeraro xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu weeraray ugu yaraan 3 fariisin oo ay ku leeyihiin degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, ciidamada Shisheeyaha ee jooga Hosingow, kana socda wadanka Kenya ayaa iyagana waxay la kulmeen weeraro culus oo ay ku qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Muqdishana, askari katirsan ciidamada BS-ta dowladda Federaalka ayaa rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiintu dileen, iyagoo markaa kadib si nabadi ku dheehantahay goobta isaga tagay.

Halkan ka dhagayso Faafaahin ku aadan howlgalladii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay Muqdihso, Baraawe iyo Hosingow.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.