Sideen ku Baran karnaa Cilmiga Sharciga ah?. (Dhagayso Warbixin)

“Cilmigu waa Nuur, Jahliguna waa mugdi” halkudhigan waxaan ku arki jirney derbiyada goobaha waxbarashada gaar ahaan iskuullada iyo Jaamacadaha, waana halkudhig tilmaamay xaqiiq aan marnaba la iska indha tiri Karin oo ah in Cilmigu yahay ileys iyo iftin, halka Jahliguna uu yahay gudcur iyo mugdi.

Diinta Islaamka oo ah diinta cilmiga iyo iftiinka ayaa nagu boorineysa barashada cilmiga nafciga leh gaar ahaan kan sharciga ah, waxaana Allaah Cazza wajalla uu tilmaamay inaaney sinneyn kuwa cilmiga leh iyo kuwa jaahiliinta ah.

Sidaas darteed, Aduun iyo Aakhriba iskuma dhawa kuwa uu Allaah bray cilmiga sharciga ah ama wadadiisa cagta ku haya, iyo kuwa jahligu dillooday ee ka jeestay barashada diinta Islaamka, madaxyadana ku garaacanaya bohollada Aqoon la’aanta iyo Jahliga.

Warbixintan, waxaanu Allaah idinkii kusoo gudbin doonna aragti ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qofku ku baran karo cilmiga sharciga ah, sida ay Diinta Islaamka inoogu boorisay inaan barano diinteena, iyo waxyaabaha nagu saacidi kara inaan hadafkaas sare xaqiijinno.

Halkan ka dhagayso Warbixin Sideen ku baran karnaa Cilmiga Sharciga ah

You might also like
1 Comment
  1. Nasrudiin_Islaami says

    Barnaamijkaan waxaad usoo diyaariseen sidii ugu fiicneed waxaadna igu dhiiri geliseen inaa Cilmiga barto Allah idinka abaal mariyo

Leave A Reply

Your email address will not be published.