Waxgaradka Jubbooyinka Oo Soo dhaweeyey Ka bixitaanka Maraykanka ee Jannaay Cabdalla.(Dhagayso)

Odayaasha dhaqanka wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaasi diiran waxay usoo dhaweeyeen tallaabadii ciidamada Maraykanka iyo askarta Soomaalida ah ee la socota ay uga carareen deegaanka Jannaay Cabdalla oo hoostaga magaalada Kismaayo, halkaas oo ay dhawaan kusoo duuleen.

Odayaashan oo la hadlay warbaahinta islaamiga ah ayaa sheegay in Maraykanku jabay, Allaahna ay uga mahdinayaan in deegaanka Jannaay Cabdalla uu xur yahay, oo lagu maamulayo Shareecada Islaamka.

Waxay Odayaashu bogaadiyeen tallaabadii ay qaadeen dadka deegaanka, markii ay ciidamada Maraykanku halkaas soo gaareen, taas oo ahayd iney banneeyeen deegaanka oo ay u qaxeen deegaannada baadiyaha ah.

Waxay sidoo kale waxgaradku u duceeyeen naftii hurihii fuliyay weerarkii khasaaraha ba’an lagu gaarsiiyay ciidamada Maraykanka ee ka dhacay deegaanka Jannaay Cabdalla.

Halkan ka dhagayso Odayaasha Jubbooyinka Oo soo dhaweeyey ka bixitaanka Maraykanka ee  Jannaay Cabdalla

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.