Weerar Gaari Jiirsiin ah Oo ka dhacay Filastiin iyo Maxbuus ku geeriyooday Xabsiyada Yahuudda.

Wararka ka imaanaya dhulka Filastiin ee ku jira gumeysiga maamulka Yahudda ayaa ku waramaya in weerar gaari jiirsiin ah oo lagu beegsaday ciidamo katirsan Yahuuda uu ka dhacay qeybo kamid ah Filastiin.

Wiil dhalinyaro ah oo kaxeynayay gaari nooca raaxada ah ayaa jiiray labo askari oo katirsn milliteriga iyo booliiska maamulka Yahuudda, kuwaas oo ku sugnaa isgyoska Zactara ee magaalada Naabulis ee daanta galbeed.

Labada askari ee uu beegsaday wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, taas oo keentay in la dhigo isbitaallada ciidamada maamulka Yahuudda.

Fuliyaha weerarka ayaa waxaa rasaas ku dhoobay ciidamada maamulka Yahuudda, taas oo keentay in isagoo dhaawac garaab ah loo qaado mid kamid ah isbitaallada ku yaala magaalada Naabulis.

Dhina kale, maxbuus kamid ah muslimiinta Filastiin oo u xirnaa maamulka Yahuudda ayaa lagu soo waramayaa inuu ku geeriyooday gudaha xabsiga uu ku xirnaa.

Maxbuuskan oo lagu magacaabo Daauud Al-Khadhiib ahna dadka da’da dhexe ku jira ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay hayay xanuuno kala duwan, iyadoona maamulka xabsiga uu ku jiray ay diideen in xaaladiisa caafimaad lala tacaalo.

Filastiin waa dhul ay Muslimiintu leeyihiin oo ku jira gumeysiga maamulka Yahuudda, waxaana dadka ku nool aan heysan wax garab ah ay keligood wajahayaan gumeysigaas ka awooda badan, laakiin sidaas oo ay tahay waa dad ay ka go’antahay iney dhiigooda u huraan difaaca muqadasaatka Muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.