Weeraro Culus Oo lagu qaaday Difaacyada Shisheeyaha ee Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala Shabeellaha Hoose ayaa weeraro ku ekeeyay qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada shisheeye iyo kuwa Dowladda federaalka ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Gobolka.

Weerarada oo ahaa kuwa safballaaran ah ayaa lagu ekeeyay difaacyada ciidamada shisheeye ee Uganda ay ku leeyihiin deegaanada Arbacow, Nambar 60, Buufow iyo Buullo mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ah, waxaana la rumeysanyahay inuu khasare gaaray Afrikaanta .

Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta Shabeellaha Hoose ayaa weerar ku miray qaar ka mid ah Saldhigyada Askarta Dowladda Federaalka ay ku leeyihin degaanka calamadaee duleedka magaalada Muqdisho Iyo degmooyinka Marka iyo Janaalle.

Dhinac kale, magaalada Muqdisho waxaa lagu toogtay askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka.

Askarigan la toogtay ayaa lagu dilay xaafadda Kooka koolla ee degmada Yaaqshid, waxaana ragga dilka geystay ay si nabad geliyo ah uga dhaqaaqeen goobta.

Howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kusii xoogeysanaya goobaha ay Shisheeyaha ka joogaan dalkeena Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.