Weeraro iyo Qaraxyo ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay fuliyeen howlgallo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Guutada Madaafiicda ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay saldhgia ciidamada maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee Jubbada Hoose.

Duqeynta ayaa in muda ah socotay, waxaana gudaha saldhiga ku dhacay madaafiicda lagu duqeeyay, sida ay kusoo warameen goobjoogayaal aan soo xiganeyno.

Dhinac kale, inta u dhexeysa Danow iyo Shalambood oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay qarax lagu beegsaday kolonyo katirsan ciidamada Shisheeyaha. Lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray.

Dhagayso Faafaahinno ku aadan howlgalladan ka dhacay Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.