12 Saldhig Oo ay Ku Suganyihiin Shisheeyaha iyo Ciidamo Soomaali ah Oo La Weeraray.a

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen difaacyo ciidamada Shisheeyaha iyo Askar Soomaali ah ku leeyihiin gobollada Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Baay iyo Bakool.

Shabeellaha Hoose, meelaha Shisheeyaha Uganda lagu weeraray waxaa kamid ah Baraawe, Ambareeso, Golweyn iyo goobo kale, waxaana dagaalladu ahaayeen kuwa isku waqti dhacay oo aad u xooganaa.

Sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weeraro culus ku qaadeen saldhigyo ay gobolka Jubbada Hoose ku leeyihiin ciidamada maamulka Jubbaland ee ku daaban dowladda Kenya.

Afmadow iyo deegaanka Yoontooy ayaa lagu weeraray ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana lagu soo waramayaa inuu jiro khasaare kala duwan.

Sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig degmada Xudur ee gobolka Bakool ku leeyihiin ciidamada maamulka Koonfur galbeed.

Weeraradan safka ballaaran ee dhacay habeenkii xalay waxay kusoo aadayaan iyadoo maalintii shalay wadada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel uu ka dhacay qarax xoogan oo lala eegtay kolonyo uu watay taliyaha guud ee ciidamada Dowladda Federaalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, halkaas oo lagu dilay 3 kamid ah ilaaladiisa.

Halkan ka dhagayso Weeraro Saf ballaaran ah oo ka dhacay Soomaliya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.