9 Askari Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo Itoobiyaanka Oo lagu Weeraray Baardheere.

Qarax culus ayaa duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Gaari nooca xamuulka ah oo ay la socdeen ciidamadan ayuu qaraxu haleeley, xilli uu marayay duleedka degmada Awdheegle, waxaana ku dhintay ciidamo katirsan askarta Dowladda federaalka.

Ugu yaraan 9 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxan, halka uu burbur xoog leh gaaray gaarigii ay saarnaayeen.

Dhinac kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga ciidamada Itoobiya ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu kediyay ciidamada Itoobiyaanka ee Xabashida ah, waxaana la rumeysanyahay iney jirto waxyeello gaartay Itoobiyaanka.

Howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kusii kordhaya goobaha ay dalka ka joogaan ciidamada Shisheeyaha, kuwa Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.