Askar Jabuutiyaan ah Oo ku Dhintay Qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ciidama Jabuutiyaan ah ku gaaray qaraxyo dhawaan lagula beegtay wadada u dhexeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula burde ee gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan afar askari oo Jabuutiyaan ah oo ku dhaawacmey qaraxyadan ayaa hadda u geeriyooday dhaawacyada soo gaaray, sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah.

Qaraxyadan ayaa waxaa lala eegtay ciidamo wadajir ah oo ka koobnaa Jabuutiyaan iyo kuwa Dowladda federaalka, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan.

Dhinac kale, qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan, kaas oo lala eegtay ciidamada Xabashida Itoobiya.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qaraxan Itoobiyaanka lagula eegtay magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Halkan ka dhagayso Askar Jabuutiyaan ah oo lagu dilay Hiiraan

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.