Askar katirsan Burundi Oo Lagu Dilay Qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa shaaca ka qaadaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Burundi oo lugeynayay nawaaxiga deegaanka Buurane ee gobolkaas.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa haleeley ciidamo katirsan kuwa Burundi oo lugeynayay, waxaana halkaas ku gaaray khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta haatan la xaqiijiyay 2 askari oo katirsan ciidamada Shisheeyaha Burundi ayaa ku dhintay qaraxa, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo intaas ka badan.

Qaraxa kadib ciidamada Burundi ayaa socodka joojiyay, waxayna in muda ah ku sugnaayeen halka uu qaraxu ku haleeley.

Dhinac kale isla deegaanka Buurane, ciidamada Shisheeyaha ayaa halkaas ku dilay ruux haweeney ah oo kamid ah dadka deegaanka.

Ciidamada Burundi ayaa xoog ku galay guri ay ku sugneyd haweeney iyo caruur ay dhashey oo agoomo ah, waxayna halkaas ku toogteen haweeneyda.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ku riixday in ciidamada Shisheeyaha sida bareerka ah u dilaan haweeneydan miskiinta ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Burundi ay yihiin cadow kusoo duuley dalka Soomaaliya, sidaas darteedna wax lala yaabo aaney ahayn iney si bareer ah u diraan qof bira mageedada ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.