Askari Dhibaato Ka Waday Suuqa Bakaaraha Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Rag hubeysan ayaa gudaha Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxay ku toogteen askari katirsan Dowladda federaalka oo caan ka ahaa suuqaas, islamarkaana dhibaateyn jiray ganacsatada iyo dadka dukaameysanaya.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa geystay dilka, waxayna qeybaha sare ee jirka ka toogteen askari lagu magacaabo Cabdi Macow Kulmiye.

Dilka kadib, raggan katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goobta isaga tagay, waxaana meydka askariga qaaday ciidamo katirsan Dowladda federaalka.

Dadka Suuqa Bakaaraha ku sugan ayaa si diiran usoo dhaweeyey dilka askarigan oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid dhib badnaa, oo lacago baad ah ka qaadi jiray ganacsatada, dadkana handadi jiray.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.