Askari Kasoo Goostay Maamulka Jubbaland Oo Isku Dhiibay Al-Shabaab.

Askar hore oo kasoo goosatay Jubbaland oo Jilib lagu soo bandhigay-sawir hore.

Waxaa maamulka Islaamiga ah ee Jubbooyinka isku soo dhiibay askari katirsanaa maamulka Jubbaland, kaas oo lagu magacaabo Sadaam Macallim Buule.

Askarigan oo 3 sano la shaqeynayay maamulka Jubbland, labadii sano ee ugu dambeysana ku sugnaa xerada Baar Sanguuni ayaa sheegay inuu halkaas kula kulmey dhibaatooyin kala duwan.

Wuxuu ka sheekeeyey sida ay ahayd noloshooda iyo cabsida ay dareemi jireen mar weliba oo ay ka war heleen in weerar ay kusoo yihiin ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Mar uu ka hadlayay sida loo soo dhaweeyey ayuu sheegay in si wanaagsan loo qaabilay. Askarta kasoo goosaneysa maamul goboleedyada iyo Dowladda federaalka ayaana sanadihii u dambeeyey xowli ku socday.

Halkan ka dhagayso Askari Kasoo goostay Maamulka Jubbaland Oo isku dhiibay Wilaayada Jubbooyinka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.