Banaanbaxyo Gacan Ka hadal Wata Oo ka Dhacay wadanka Indonesia

Magaalooyin dhaca wadanka Indonesia waxaa ka dhacay dibada baxyo ballaaran oo ay dhigayaan dadka shacabka ah, kuwaas oo kasoo horjeeda xeer dhawaan ay meel mariyeen baarlamaanka wadankaas.

Dad careysan oo isuga jira ardey, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa isugu soo baxay fagaarayaal waaweyn oo ku yaala wadanka Indonesia, gaar ahaan magaalada Jakarta ee caasimadda dalkaas, iyagoo muujinaya sida ay uga soo horjeedeen xeer uu meel mariyay baarlamaanka wadankaas.

Kumanaan ruux ayaa ka qeyb galayay banaanbaxyada ka socda magaalada Jakarta, kuwaas oo galay maalintii afaraad, waxaana meelaha qaar iska hor yimid dadka shacabka ah iyo ciidamad.

Ciidamada Ammaanka ayaa xiray wadooyinka gala xarunta madaxtooyada iyo dhismayaasha safaaradaha iyo xarumo ganacsi oo muhiim ah, cabsi laga qabo in dadka careysan ay xoog ku galaan.

Xeerka ay dadkan kasoo horjeedaan ayaa waxaa lagu magacaaba xeerka Shaqaaleysiinta, waxaana gadaal ka riixaya xisbiga talada haya, oo ku doodaya inuu xeerkan dardar gelinaya maalgashiga wadanka, halka dadka shacabka ah ay ku doodayaan inuu caqabad ku yahay shaqaalaha iyo beeraleyda wadankaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.