Beel katirsan Jareerweyne Oo Machad kusoo Xiratay Shabeellaha Dhexe.

Munaasabad aad u ballaaran ayaa ka dhacday deega hoostaga degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo beel katirsan qabiilka Jareerweyne kusoo xirtay machad sharci ah.

Beesha Kaboole ayaa soo xiratay machad u furnaa labo sano oo kaamil ah, kaas oo ay ka aflaxeen ardey u dhashey beesha.

Munaasabad lagu soo xirayay machadka ayaa ka dhacday deegaan hooostaga Mahaddaay, waxaana kasoo qeybgalay waxgaradka beesha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Beesha Kaboole ayaa ballanqaaday iney soo u kaba gashan doonto sidii ay isugu keeni lahayd dufcada labaad ee ubadkooda, si loo baro Shareecada Islaamka.

Wilaayaadka islaamiga ah waxaa ka furan macaahid sharci ah oo ay furteen qabaa’ilka, waxaana wax ku barta Ubadkooda.

Halkan ka dhagayso Beesha Kaboole Oo machad kusoo xirtay Shabeellaha Dhexe

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.