Beesha Sade Oo Suldaan Ku Caleema Saaratay Jubbooyinka. (Sawirro)

Beesha Sade ee degta wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa suldaan ku caleema saartay degmada Jilib ee Jubbada Dhexe.

Munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, Salaadiin, Nabadoonno, Ugaasyo iyo masuuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu caleema saaray suldaanka cusub ee Sade oo lagu magacaabo Suldaan Cabdi Weli Xassan Madoobe Yarow.

Dadka kasoo qeybgalay Xafladda ayaa Suldaanka cusub kula taliyay in beesha uu ku hogaamiyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxaana isagu uu goobta ka qaaday ballankaas.

Suldaanka waxay wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ku wareejisay qori, booshkiisa, bastoolad, rasaasteeda iyo gaari cusub.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.