Cali Khaliif Galleyr Oo Ku Geeriyooday Jigjiga.

Siyaasiga Cali Khaliif Galleyr ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali galbeed oo ay xoog ku heysato dowladda Itoobiya.

Masuuliyiin katirsan maamulka Amxaarada ka hoos shaqeeya ee ka taliya Soomaali galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Cali Khaliif Galleyr.

Siyaasigan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay wuxuu ku xanuunsanayay magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali galbeed.

Cali Khaliif Galleyr ayaa mar soo noqday ra’iisul wasaaraha mid kamid ah Dowladihii ku meel gaarka ahaa ee soo maray dalka, wuxuuna mar ahaa madaxweynaha maamul lagu magacaabo Khaatumo.

15-kii Octobar 1941d-ii ayuu dhashey Cali Khaliif Galleyr, sida ku cad macluumadyada ku jira baraha Internetka, waxaana uu ahaa siyaasi galaan gal ku leh siyaasadda Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.