Ciidamada Alshabaab oo fuliyay howlgallo qorshaysan.

Askarta Al-Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howgal qorsheysan iyo weeraro xooggan oo saacadihii la soo dhaafay ka kala dhacay gudaha magalada Muqdsiho iyo sidokale G/ Jubada Hoose iyo Bay iyo Bakool.

Rag hubeysan oo ka tirsan xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay magaalada Mmuqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan dowladda kaas oo ku suganaa xaafada soona-key ee ka tirsan Dagamada Hodan e magaalada Muqdisho.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi khaddar waxaana uu can ku ahaa ambalaas , waxaana goor dambe meydkiisa goobta ka qaaday Ciidamada ka tirsan Dowladda.

Magaalada muqdisho waxa ku sii kordhaya howgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda.

Dhanka kale habeenkii xalay ciidamada mujaahidinta ayaa weeraro culus ku qaaday ciidamada maamulka jubaland iyo kuwa Koonfur-Galbeed ee ku kala sugan Gobalada Jubada Hoose Iyo Baay Iyo Bakool.

Weerarka koowaad oo ahaa mid xooggan isla markaana socday in muddo ah ayaa waxaa lagu beegsaday askarta maamulka koon-fur-galbeed eek u sugan Dagamada Xudur Ee Bakool.

Illo waredyo dadka deegaanka ah ayaa inoo xaqiijyay in dagaalku uu ahaa mid xooggan isla markaana khasaare lagu gaarsiiyay askarta maamulka koonfur Galbeed.

Sidoo kale Ciidamada Alshabaab ayaa habeenkii xalay dagaal culus ku qaaday ciidamada maamulka jubaland ee  ku sugan deegaanka kudhaa.

si kastaba ha ahaatee howgalladaan ayaa ku soo beegmaya xili saacadihii la soo dhaafay ay ciidamada Alshabaab  fuliyeen howgallo burcad si feyn ah kuwaas oo ka dhacay tuulooyin u dhexeeya Dagmooyinka Maxaas iyo Baladweyn ee Gobolka Hiiraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.