Ciidamada Bankrafta Oo Qarax Lagula Eegtay Shabeellaha Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Bankrafta ee ka amar qaata kuwa Maraykanka ee duulaanka ku jooga Soomaaiya.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Al-basra, waxaana uu qaraxu si adag u haleeley gaariga lala eegtay, taaso keentay in gebi ahaanba uu burburo.

Ugu yaraan lix askari oo katirsan ciidamada Bankrafta uuna ku jiro sarkaal sare ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxan xoogan, iyadoona gaariga uu qaraxu burburiyay uu milkiyadiisu iska lahaa gudoomiyaha degmada Balcad.

Ciidamada Bankrafta ee qaraxan lala beegsaday ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay dhaqdhaqaayo qarbudaad ah ka wadeen deegaanno katirsan wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Dhexe, waxayna la kulmayeen weeraro qorsheysan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhiyay howlgallada qorsheysan islamarkaana sugan ee ay ku beegsanayaan ciidamada Shisheeyaha, kuwa Bankrafta iyo xitaa askarta Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.