Ciidamada Kenya Oo Lagu Weeraray NFD.

Ciidamada militeriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ka fuliyay gudaha dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya, weerarkaas oo beegsadya askar katirsan Kenyaatiga.

Mujaahidiinta waxay weerareen saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka 50 ee hoostaga degmada Qorof Xaraar ee Wajeer, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalku ahaa mid xoogan.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsaday, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada Kenyaatiga uu gaaray khasaare kala duwan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sii laba jibaareen howlgalladooda milliteri ee ay ka fulinayaan gudaha dhulka NFD ee ay xooga ku heysato dowladda Kenya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.