Ciidamada Liyu Booliiska Xabashida Oo Dhibaatooyin ka wada Hiiraan.

Ciidamo katirsan Liyuu Booliska Soomaalida ah ee ka hoos shaqeeya Xabashida Itoobiya, iskuna arka iney Itoobiyaan yihiin ayaa dhibaatooyin ka wada qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha maamulka Hir Shabeelle ugu magacaaban Hiiraan ayaa xaqiijiyay in ciidamo Amxaarada la shaqeeya ay dhibaatooyin iyo tacadiyaad ka geysteen deegaanno hoos yimaada degmada Feer feer ee ku taalla xad beenaatka.

Ciidamada Liyuu booliiska ayaa gobolka Hiiraan u arka inuu yahay gobol ay Xabashidu leeyihiin, waxayna meelaha qaar ka taageen calanka Itoobiya.

Inkastoo maamulka gobolka Hiiraan ee Hir Shabeelle uu ku cabanayo malleeshiyaadka Soomaalida, hadana waxaaba magaalooyinka ugu weyn ee gobolkaas sida Baladweyne gacanta ku haya ciidamada Xabashida Itoobiya.

Dhagayso Maamulka Hir Shabeelle Oo ka hadlay Dhibaatooyin ay wadaan ciidmada liyu Bolis

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.