Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Oo Weeraray Baydhabo.

Ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday bar kontorool oo ku taalla afaafka hore ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed.

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu kediyay ciidamada maamulka Koonfur galbeed.

Weerarkan ayaa dhacay habeenkii xalay, waxaana la heynin faafaahin intan ka badna oo ku saabsan khasaaraha ka dhashey dagaalka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii xoojiyay weerarada ay ku beegsanayaan ciidamada Dowladda federaalka, Shisheeyaha iyo kuwa maamul goboleedyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.