Ciidamo Gadoodsan Oo la wareegay Xarun ku taalla Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Ciidamo katirsan maamulka Puntland oo gadoodsan ayaa la wareegay xarun ay mid kamid ah wasaaradaha maamulkaas ay ku leedahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamadan ayaa ka careysan mushaar la’aan ay sheegeen iney yihiin dhowr bilood, iyagoona xoog kula wareegay xarunta wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee magaalada Boosaaso.

Askartan ayaa codsanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu siiyo mushaaraadkooda, waxaana maamullada dalka ka jira ee ku daaban Shisheeyaha lagu eedayaa musuq maasuq, taasi oo ay cadeyn u tahay ciidamadooda oo aaney xitaa siinin mushaaraadka.

Halkan ka Dhagayso Ciidamo Mushaar la’aan ka cabanaya Oo la wareegay Xarun ku taalla Boosaaso

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.