Ciidamo Kawada Tirsan Dowladda Federaalka Oo ku Dagallamay Muqdisho.

Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamo kawada tirsan Dolwadda federaalka kuwaas oo kala ahaa booliis iyo milliteri.

Dagaalkan oo ahaa mid culus, in muda ahna socday ayaa ka dhacay deegaan katirsan degmada Kaaraan, halkaas oo ay dad shacab ah deganyihiin.

Ugu yaraan 2 ruux ayaa dhimtay, halka 3 kalena ay dhaawacmeen, iyadoona dadka shacabka ah ay billaabeen iney guryahooda ka qaxaan.

Lama oga waxyaabaha rasmiga ah ee ay isku hayaan ciidamada dagallamay, mana jirin cid soo kala dhexgashey.

Inkastoo hadda ay xaaladdu degantahay hadana waxay dadka shacabka ah ka cabsi qabaan in markale dushooda lagu dagaallamo.

Ciidamada Dowladda federaalka oo lahayn dhaqanka ciidannimada ayaa dhexdooda marar badan waxay ku dagaallamaan goobaha ay dalka ka joogaan, iyagoo mararka qaarna si bareer ah u dila dadka shacabka ah.

Dhagayso Ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka Oo Dagallamay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.