Dab Xoogan Oo Ka kacay Gobollo kamid ah Wadanka Suuriya.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaa wadanka Suuriya kusoo badanayay dab ka kacay qeybo ballaran oo kamid ah wadanka, gaar ahaan deegaannada ay degaan Kooxaha Calawiyiinta Nuseyriyada ee xooga ku heysta talada wadankaas.

Dabka ayaa ka kacay deegaanno baadiye ah oo ay ku badanyihiin keymaha, taasina waxay keentay in dabku si fudud ku faafo, islamarkaana uu sii baaho.

Dabkan oo kasoo billowday gobolka Al-Laadiqiyah ee wuqooyi galbeed Suuriay ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gaaray qeybo kamid ah gobolka Xammaah, taasina waxay kentey in dadka ay ka barakacaan guryahooda.

Kooxaha dab damiska ee Nuseyriyada ayaa ku guul dareystay iney xakameeyaan dabka, iyadoona uu ku faafayo si dhaqsi ah, waxaana hadda uu soo gaaray qeybo kamid ah gobollada ay gacanta ku hayaan kacdoon wadayaasha.

Goobaha uu dabka ka kacay ayaa waxaan si fudud ku gaar karin gaadiidka gurmadka iyo dab damiska, maadaama dhulka uu yahay dhul buuraley ah, oo aaney sahlaneyn in si fudud lagu tago.

Ugu yaraan afar ruux ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen dabkan ka kacay qeybo kamid ah wadanka Suuriya, gaar ahaan gobollada Al-Laadiqiyah, Dharsuus, isagoo hadda soo gaaray qeybo kamid ah gobollada Idlib iyo Xammaah.

Xilliyadan oo kale waxaa badan in dabka uu kaco, sababo ku aadan dabeylo jira, waxaana hadda uu dabkan gaaray wadamo ay ku jiraan Lubnaan iyo Turkiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.